987 Views

Senator Farole”Culimada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta”

Senator Farole”Culimada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud”Faroole”  oo Khudbad ka jeedinaayay Falfadhiga baarlamaanka Puntland oo furitaankiisa hadda uu ka socda Magaalada Garowe ayaa sheegay in Culimadda ay fiican tahay in aysan Siyaasada ka hadlin.

 

Waxaa uu sheegay in Puntland ay jiraan dad badan oo dhibaatooyin ku haya oo loo baahan yahay in laga qabto, islamarkaana si wadajir ah loo ilaaliyo Midnimada Shacabka degaanada maamulka Puntland.

 

“Culumada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta midka siyaasada soo qaata laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheikh baan ahay ima harowsan kartaan” ayuu yiri Senator Faroole

 

Faroole ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arimaha Jubbaland iyo doorashadii ka dhacay Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe isla markaasna ay aqoonsi buuxa siiyeen madaxdii ka qayb gashay caleema saarkiisa halka uu tilmaamay siyaasiyiinta kala ah C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig rag laga dhex hadlayo oo aan xataa ka tagin goobtii doorashadu ka dhacaysay isla markaasna ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment