1296 Views

Sawiro:-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Maanta xilka la wareegay

Sawiro:-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Maanta xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada,iyada oo uu xilka wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradaas ee dhawaan xilka iska casilay.

 

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaano,waxaana Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle uu sirasmi ah xilka ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa madaxda ugu sareysa dalka uga mahad celiyey mudada 11 Bilood ah ee uu xilkaasi haayey,waxana uu sidoo kale amaanay Xubnaha kale ee wasaaradda oo si wanaagsan ula Shaqeeyey.

 

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasiirka uu Maanta xilka kala wareegay uu Wasaaradda meel wanaagsan kaga tagay,waxaan uu balan qaaday in Shaqada uu halkaasi kasii wadi doono.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ee Maanta xilka wareejiyey ayaa xilkaasi iska casilay 1-dii Bishaan May, isaga oo  is casilaadaas u sababeeyey in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan oo Siyaasadeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment