867 Views

Kumanaan qof oo ka qaxay dagaalka ka socda Tigray

Kumanaan qof oo ka qaxay dagaalka ka socda Tigray
____________________________________________________________________________

Saraakiisha Suudaan waxay sheegayaan in ugu yaraan 6,000 qof oo Itoobiyaan ah ay kasoo qaxeen dagaallada ka socda gobolka Tigray.

Mas’uuliyiinta waxay intaas ku dareen in maalmaha nagu soo aadan la filayo in 200,000 ay kasoo tallaabaan xadka Suudaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in xeryo ku meel gaar ah laga sameynayo deegaanka sii loo qaabilo dadka kasoo qaxaya dhinaca Itoobiya.

Waxaa walaac laga muujiyay xaaladda banii’aadanimo ee gobolka Tigray xilli dagaalka uu ka socda halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri ku qaaday Tigray kaddib markii uu ku eedeeyay maamulka inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan dastuurka.

Waxaana lagu soo warramayaa in dagaalka ay ku dhinteen boqolaal qof.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post