528 Views

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saciid Xuseen Ciid ayaa si wadajira xariga uga jaray Dhismooyin cusub oo ay Wasaaradda ka hirgelisay Hey’adda Save The Children kuwaas oo isugu jira xafiisyo, qeyb Cafateria iyo baqaaro ay Wasaaraddu ku keydsan doonto agabyadeeda kala duwan.

Dhismaha xaruumahan oo ay fulisay Save The Children isla markaana ay maalgeliyeyn Bangiga Horumarinta Afrika iyo UGAD ayaa soo maray marxalado kala duwan sida madasha ka sheegay Agaasimaha Mashruuca Barnaamijka ka hortagga Abaaraha iyo helida nolol waarta ee Save the Children Dr Cabdi Maxamed Daahir.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa
sheegay inay juhdi badan ku bixiyeyn sidii uu u guuleysan lahaa mashruuca lagu dhisay xaruumahan cusub.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Axmed Madoobe Nuunow ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda iyo Hey’adaha gacanta ka geystay dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyay xarunta Wasaaradda, wuxuuna ballanqaaday inay laba jibaari doonaan shaqooyinka iyo adeegyada horumarineed ee Wasaaradda u heyso bulshada Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post