321 Views

Magaalada Muqdisho oo wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay Qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe

Magaalada Muqdisho oo  wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay Qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe
____________________________________________________________________________

Talaado: : NOVEMBER 1, 2022

Magaalada Muqdisho waxa wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo markii cid ugu war dameysay joogay halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Guddiga gurmadka ayaa wada tira koobka dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay ay toban kor u dhaafayaan.

Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxa laga ururiyay hilbo iyo xubno googo’ay, waxayse mushkiladu tahay inaan lahayn shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaas oo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas ama xubnahaas la uruuriyay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa saaka tagay xarunta Gurmadka, wuxuna la kulmay gudoomiye kuxigeenka Hay’adda Maareynta Musiiooyinka Axmed Cabdi Aadan, wuxuna marka hore weydiiyay halka ay marayaan hawlaha gurmadka ee socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post