1134 Views

Kenya Oo Dhisaneysa Xarun Looga Hortagga Miinooyinka Lala Beegsado Ciiddanka Ka Jooga Somalia

Kenya Oo Dhisaneysa Xarun Looga Hortagga Miinooyinka Lala Beegsado Ciiddanka Ka Jooga Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu khamiistii Shir-guddoomiyey Kulankii ugu horreeyey ee ay Golihiisa Wasiiradda yeeshaan sannadkan 2019-ka.

Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi, waxay Golaha Wasiiradda Kenya ku ansixiyeen dhismaha Xarunta ka-hortagga Qaraxyadda Miinooyinka (C-IED Center) oo laga dhisi doono Deegaanka Embakasi ee Nairobi.

Dowladda Jarmalka ayaa la sheegay inay Kenya ugu yaboohday lacag dhan 200 million oo Shillinka Kenya ah si loo adeegsado Dhismaha Xaruntaasi oo noqon doonta Xarunta Caalamiga ee Tababarka Taageeradda Nabadda.

Xaruntaasi ayaa la sheeegay in Ciiddanka Difaaca Kenya loo qalabayn doono, si ay u bartaan Teknoolajiyadda iyo qaabka loo kala furfuro miinooyinka dhulka lagu aaso.

Dowladda Kenya waxay sheegtay inay Xaruntaasi waxtar u yeelan doonrto Ciiddankooda ku sugan Somalia, halkaasi oo ay inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadaan inay qaraxyadda iyo miinooyika la beegsadaan Ciiddanka Kenya iyo kuwa kale ee ka hawlgala gudaha Somalia.

 

 

 

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment