1398 Views

Daawo:-Rag Hubeysan Oo Weli Ka Dhex Dagaalamayo Hotelka Dusit Ee Magaalada Nairobi Iyo Ciiddan Oo Loo Daad-Gureeyey

Daawo:-Rag Hubeysan Oo Weli Ka Dhex Dagaalamayo Hotelka Dusit Ee Magaalada Nairobi Iyo Ciiddan Oo Loo Daad-Gureeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 – Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ayaa loo daad-gureeyey Hotelka Dusit Hotel, halkaasi oo laga maqlay Qarax iyo Israasayn xooggan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay koox hubeysan ay weli ka dagaalamayaan gudaha Hotelka, waxaana la maqlayaa is-rasasaayn xooggan. Boliska waxay dadweynaha kula taliyey inaysan u soo dhawaanin Hotelka la weeraray.

Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan Dhismayaasha ku dhow Hotelkaasi ayaa sheegay inay ka soo baxeen hulal ay ka duleeliyeen Xafiisyadooda.\

Ciiddan hubeysan oo dhar cad wata iyo Saraakiil labisan ayaana isku gedaamay Dhismayaasha ku hareeraysanHotelka la weeraray.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegayo in Hotelka la weeraray uu ku yaallo Degmadda Westland see Bartamaha Nairobi, waana Hotel ay ku dhex yaallaan Xafiisyo badan.

Muuqaallo la xiriira Qaraxa iyo Israasaynta ka dhacday Hotelka Dusit ayaa lagu baahiyey Baraha Bulshadda, wuxuuna weerarkaasi ku soo aadayaa hal maalin kadib, markii Maxkamadda Nairobi la soo taagay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay Weerarkii ka dhacay Xarunta laga Dukaamaysto ee Westgate bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment