603 Views

Guddiga Xeerbeegta oo go’aanka ka gaari doonta xukunka George Floyd oo bilabay dhagaysiga Dacwada

Guddiga Xeerbeegta oo go’aanka ka gaari doonta xukunka George Floyd oo bilabay dhagaysiga Dacwada
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Guddiga Xeerbeegta ee go’aanka ka gaari doonta xukunka maxkamadeynta sarkaalkii hore ee booliska Derek Chauvin oo ku eedeysan inuu dilay George Floyd ayaa billaabay doodooda, kaddib markii dacwad-oogeyaasha iyo difaacayaashuba ay shalay soo xireen dhageysiga doodahoodii.

Steve Schleicher oo ka mid ah qareennadii dacwadda ku soo oogay Chauvin ayaa mowqifkooda sharci ku soo kobay in Chauvin uu adeegsay awood xad dhaaf ah, kaddib markii uu jilibkiisa ku hayay luqunta Floyd sagaal daqiio iyo 29 ilbiriqsi, wuxuuna sheegay in ujeedadiisu ay aheyd inuu dilo Floyd, maadaama aysan awood sheegashadaas aysan qeyb ka aheyn tababarka la siiyo ciidanka Booliska.

“Wuxuu Chauvin ku xadgudbay tababarkiisa, si cad ayuuna u dilay Floyd, wuxuu u sheegay inuusan neefsan karin, laakiin dhag-dhalaq uma siin, jilibkiisa ayuu ku xannibay, culeyskiisa oo dhan ayuu wada saaray” ayuu yiri Schleicher oo muddo ku dhow laba saacadood sharraxayay gaban-gabada doodooda.

Laakiin qareenka difaacaya Chauvin oo la yiraahdo Eric Nelson ayaa ku dooday in Chauvin uu raacay tababarkiisii booliiska, isla markaana aanu wax dambi ah galin.

Nelson ayaa sidoo kale xeerbeegtida u sheegay in dhimashada Floyd ay qeyb ka aheyd isticmaalka maan dooriyaha iyo wadna xanuun kadis ah.

Guddigan xeerbeegtida ah oo ka kooban 12 xubnood ayaa muddo 4 saacadood ah xalay ka dooday xukunka Chauvin, iyagoo maanta oo Talaado ah mar kale ka doodi doona, waxaana ciqaabaha uu wajihi doona ka mid ah 40 sano oo xarig ah haddii xeerbeegtu isku raacdo.

Taariikhda Minnesota, kaliya hal sarkaal booliis ah ayaa lagu xukumay inuu dilay qof, sarkaalkaasina waa Maxamuud Nuur oo Soomaali ah, kaas oo lagu xukunay 12 sano iyo lix bil oo xabsi ah, kaddib markii lugu helay dambi ah inuu dilay Justine Ruszczyk oo aheyd haweeney u dhalatay wadanka Australia oo deganeyd Minneapolis.

Xiisad la xiriirta gaban-gabada kiiskan ayaa ka taagan magaalada Minneapolis, iyadoo laga cabsi qabo inay billowdaan bannaanbaxyo rabshado wata oo la mid ah kuwii sanadkii hore.

Ciidamo dheeri ah oo ay ku jiraan kuwa ilaalada qaranka ee National Guard ayaa lagu soo daadiyay jidadka Minneapolis, kuwaas oo ka hortagi doona rabshadaha lagaca cabsi qabo.

Sidoo kale waxaa la xiri doonaa goobaha warbarashada sida Iskuullada iyo Jaamacadaha maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post