1068 Views

Jakarta: Caasimad aysan dadkeeda Calfan in ay nolol wanaagsan ku qaataan !!!

Jakarta: Caasimad aysan dadkeeda Calfan in ay nolol wanaagsan ku qaataan !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  March 9, 2020 —Dunida oo idil waxaa indhaha lagu hayaa Caasimadda Indonesia ee Jakarta oo si aan indho-qabad lahayn u dhismeysay waayihii dambe, waana Magaalada xeebeed lagu dheehay dhismo casri iyo kuwa soo jiidanaya qofka kor ka arka.

 

Sida ay u muuqato uma nasiib badna in ay nolol wanaagsan ku qaataan dadka kunool, waana Magaalo khatarteedu badan tahay, sabab la xiriirta badda kulaaleysa oo duugta ama bacaad ka sare mara Magaalada kusoo rogta.

akarta kulka darajadeeda (Xaraaradeeda) ma halis badna waana 32°C (32 degree centigrade), waa Magaalo ay kunool yihiin Tobaneeyo Milyan oo dad ah, waxa ay kulansatay Ganacsiga, waxsoosaarka iyo martigelinta siyaasiyadda, maadaama xarunta dalka ay tahay.

 

Dhismaha sare loo dhisayo waa kuwo muddo kooban ku duugma ama biyaha ay ka sare-maraan, waana tan keentay in dad badan oo kunool ay raadsanaan magaalooyin kale si aysan waxyeelo uga gaarin dhibaatada lasoo deristay Jakarta.

 

 

 

Dhismayaal qadiimi ah oo ku yaala magaaladaas ayay biyaha ka sare mareen, waxaana taas ay keentay in dhismayaasha qaar ay dadka isaga guuraan, maadaama ay adag tahay in lagu noolaado.

Dowladda dadaal uma aysan reebin sidii xal loogu helaa Magaaladaan Jaziiradda ah ee sanadihii dambe dadka kunool ay ka barakacayeen sabab la xiriirta biyaha Badda oo ku rogmada iyo qashinka badda ay iska soo saarto oo Jakaarta ka dhigay meel ka duwan Bilacda kor ka muuqata.

 

Sofian Sibarani waa Khabiir ku taqasusay horumarinta Magaalooyinka waxa uu sheegay in aysan sahlaneen helista xalka lagu xakameynayo Magaalada Jakarta oo ay qarqiyaan Biyaha Badda, waxaa uuna uu soo jeediyay in caasimadda loo wareejiyo Magaalo kale.

 

 

 

“Waxaanu heysanaa fursad wanaagsan oo ah in aan meel hoose wax ka bilawno, in aan hagaajino magaalo aad u wanaagsan oo lagu noolaan karo, waxaana adeegsan doonaan waxwalba oo ugu fiican, magaalana lagu dhisi karo”, ayuu yiri Sofian Sibarani oo ah khabiir magaalooyinka horumarintooda ka shaqeey

 

Xukuumadda Indonesia waxa ay wadaa qorshe looga baarandegayo sidii Caasimadda Jakarta looga wareejin lahaa, iyada oo ay isha ku heyso Dowladda Jasiiradda Borneo oo dhacda Meel hawd ah (Dhirta ku badan tahay) oo ay u aragto in ay dhaanto Magaalada Madaxda xiligaan.

 

Sofian ayaa aaminsan in dadka kunool Magaalada lala doonayo in ay noqota Caasimadda Cusub Indonesia in aysan dooneen in la jaro dhirta keynta ka dhigtay oo ay u arkaan arrin dhaqanka la xiriirta.

 

“Waxaan ka walaac sanahay in dhulkeena la doonayo in laga dhiso dhismayaal dhaadheer, qaab noolaleedkeeni waa uu burburayaa” ayay tiri mid kamid ah dadka ku nool keymaha la doonayo in laga dhigo caasimadda Indonesia.

 

Sababta ugu weyn ee ay ka cabanayaan dadkaan ayaa ah in Magaalada Borneo ay kunool yihiin Xayawaano, isla markaana ay ka cabsi qabaan in ay ka guuraan ama isaga tagaan Jasiiraddaas, sidaas awgeed iyaga oo ilaalinaya duur joogta iyo keymaha ay kunool yihiin aysan dooneen in Caasimadda loo wareejiyo.

 

Indonesia miyay xal u heli doontaa daadadka biyaha ee caasimadda ka dhigaya meel laga barakacayo? Mise waxa ay ku dhaqaaqi doontaa go’aanka lagu wareejiyo Magaalo Madaxda?

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment