1344 Views

Maamulka madaxwayne Biden oo shaaca ka qaaday in ay isku dayayeen in ay xiriir la sameeyaan Kuuriyada Waqooyi

Maamulka madaxwayne Biden oo  shaaca ka qaaday in ay isku dayayeen in ay xiriir la sameeyaan Kuuriyada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Maamulka madaxwayne Biden ayaa shaaca ka qaaday in ay isku dayayeen in ay xiriir la sameeyaan Kuuriyada Waqooyi tan iyo bishii February, balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Sargaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Biden ayaa warbaahinta u sheegay in aqalka cad uu isku dayay in uu qaabab kala duwan xiriir ula sameeyo Pyongyang si loo dajiyo halista ah in xiisadda labada dhinac ay sii korodho.

Madaxwayne Biden ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda uu soo saaro faahfaahin ku aadan siyaasadaha uu kula dhaqmi doono Kuuriyada Waqooyi.

Bishii January, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in Mareykanka ay yihiin cadowga ugu wayn ee uu dalkiisa leeyahay.

Hogaamiyaha ayaa balllanqaaday in uusii kordhin doono awoodaha niyukleerka iyo midda militari ee dalkiisa.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donold Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa labo mar uu kulamo taariikhi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post