5244 Views

Danjire Afey oo Jigjiga ka bilaabay Xog Dhageysiga Dadkii ka barakacay Dhulka Soomaalida

Danjire Afey oo Jigjiga ka bilaabay Xog Dhageysiga Dadkii ka barakacay Dhulka Soomaalida
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 Maxamed Cabdi Afey wakiilka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe u qaabilsan Geeska Afrika oo ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Odoyaasha Magaalada iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad Deegaanka.

Waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii ka bakaracay Colaadda dhexmartay Soomaalida iyo Oromada iyo gurmad u raadinta dadka ku dhibaateysan iska jigjiga.

Danjire Afey ayaa Magaalada Addis shalay kasoo raacay xubno kamid ah Jabhadda ONLF, ka sokoow in uu kamid ahaa wufuudda hadane wararka deegaanka laga helayo waxa ay sheegayaan in uu xog dhageysi ku sameynayo dadkii ka barakacay Dhulka Soomaalida.

Qorshaha ayaa ah in uu tago deegaanada ay ku dagaalameen Oromada iyo Soomaalida, si uu qiimeyn guud ugu sameeyo, kadibne uu ula wadaago Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe UNHCR si ay u diiwaan geliso.

Isku dhacyadii ka dhacay Dhulka Soomaalida ee Itoobiya ee u dhaxeysay Oromada iyo Soomaalida waxaa ka dhashay Khasaare isugu jiro Dhimasho, Dhaawac iyo Barakac deegaanka.

UNHCR oo aan wali tagin Dhulkaas waxa uu fursat ahaan Danjire Afeey u helay shalay in uu tago Magaalada Jigjiga, si warbixin deegaanka ah uu ugu diyaaro.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar kala duwan warbixino ay soo saareen waxa ay ugu hadleen Tacadiyada ka dhacay Dhulka Soomaalida kahor iyo kadib Maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment