243 Views

Gen. Odawaa: Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn!

Gen. Odawaa: Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn!
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda aayaa ka warbixiyay dagaalka Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay kula jiraan Al-Shabaab kaas oo ka socda qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Gen. Odawaa ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhawr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano kuwaas oo hoosyimaada Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

“Howgallada kuma ekaanayaan Gobolladaan, mar waliba miisaanka howlgalku waxa uu saaran yahay meel, waxa aan dhihi karaa labada Gobol Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn” sida uu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta keentay in Ciidanka Dowladda ay ka baxaan deegaanada ay Al-Shabaab ka qabsadaan “Howlgalku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tagtid in aad  joogeysid, Goobaha dagaalka qaar marka  Ciidanku gaaro waxaa loogu tala galay in ay ku nagaadaan halka goobaha qaarkoodna loogu tala galay in Cadawga ku sugan  laga saaro lana burburiyo”

July 2022-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo ka bilowday Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalooyinka Buulaburde iyo Matabaan, dagaalka ayaa markii dambe ku sii fiday Gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post