1011 Views

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Jabuuti.
____________________________________________________________________________


Isniinfebruary 21, 2022

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Saaka u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa safarka Madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad Saajin iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Waxaana booqasho rasmi ah ay ku tagayaan Masuuliyiinta ka socda Somaliland magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shegay in Weftigan uu ku sugnaan doona maalmaha soo socda dalkaasi Djibouti, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda dalkaasi Jabuuti

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post