1902 Views

Puntland oo beenisay in ay qeyb ka tahay Shirka Decale

Puntland oo beenisay in ay qeyb ka tahay Shirka Decale
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka mid ahaa Guddigii farsamada Magaalada Baydhabo ee ka socday maamulka Puntland ayaa beeniyay war ay baahisay dowladda Soomaaliya ee ah in uu furmay Shirka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin Shir ka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadishu”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Warbaahinta dowladd ayaa goordhow shaaciay in Muqdisho uu ka furmay horudhac u ah Shirka dowladda iyo maamulada qaar, kaasoo aan horay loo shaacin.

Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaysa beesha Caalamka ka dib markii dowladda dhexe ay ku fashilantay in ay isugu keento maamul goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post