780 Views

Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta dhaceysa

Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________

Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay yeeshaan Kulankoodii ugu horreeyay, iyaga oo ku dooran doona  Guddoonka Golaha Wakiilada Soomaliland oo maalmihii la soo dhaafay la sheegay in uu muran xoogan ka taagnaa.

Xildhibaannada golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay dooran doonaan, Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad, kuwaas oo ay ku tartami doonaan Musharixiin ka kala socda Xisbiyada Mucaaradka iyo muxaafidka.

Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo aad u xiiso badan ayaa waxa ku tartami  doona Saddex Xubnood oo ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo isbhayeystay iyo Xisbiga Talada haaya ee Kulmiye, kuwaas oo ku kala tartami doona Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad.

Marka ugu horreeysa Xildhibaannada ayaa cod gacan tag ah waxaa ay ugu codeyn doonaan Guddoomiyaha, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan labada musharax, waxaana Guddoomiyaha Cusub uu shirka guddoomin doono, si loo ambaqaado doorashada Guddoomiye kuxigeenada 1aad & labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaannada Glaha Wakiilada Somaliland ay durba tageen Xarunta Golaha si ay doorashada codeynteeda uga qeyb qaataan.

Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay sigaar ah halka ay ku shiraan Xildhibaannada oo ay doorashada ka dhaceyso, waxaana goobjoog ka noqon doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Madax kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post