1212 Views

Tartame ka soo jeeda beelaha la Yaso Somaliland Barkhad Jaamac oo lagu wado in uu Guuleesto

Tartame ka soo jeeda beelaha la Yaso Somaliland Barkhad Jaamac  oo lagu wado in uu Guuleesto
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Natiijada doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada Somaliland ayaa si weyn loo sugayaa, taas oo ay weli socoto tirinta codadka, iyadoo ay dib u dhacday natiijo horudhac ah oo la filayay in guddiga doorashadu u xalay shaaciyo.

Dadweynaha Somaliland ayaa si aad u sugaya natiijada doorashadan, iyadoo ay dhici karto in gobollada qaar sida gobolka Maroodi-jeer ay tirinta codadku qaadato maalmo kale oo dheeraad ah, maadaama uu yahay gobolka ay ka codeeyeen tirada ugu badan ee codbixiyeyaasha.

Waxaa jira natiijooyin ay dadku si dhow u xiiseynayaa, gaar ahaan baraha bulshada, kuwaas oo ay ka midyihiin Barkhad Jaamac Batuun oo u tartamay golaha wakiillada ee xisbiga Waddani iyo Ridwan Cusman oo u tartamay Duqa magaalada Boorama.

Goobjoogeyaal caalami ah oo u kuur galaya doorashada Somaliland ayaa weli ku sugan goolaha lagu tirinayo codadka, kuwaas oo uu ka midyahay madaxweyhii hore ee waddanka Sierra Leone, Bal Koroma,

Kormeereyashan ayaa sheegay in farsamo ahaan diyaargaroowgii doorashan uu ahaa mid aad u sarreeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post