324 Views

Warbixin:Farmaajo oo dib u doorashadisa ku weyn kara Su’aalo ka dhashay dhacdooyin ka dhacay intuu xukunka joogay

Warbixin:Farmaajo oo dib u doorashadisa ku weyn kara Su’aalo ka dhashay dhacdooyin ka dhacay intuu xukunka joogay
____________________________________________________________________________

Axad: May 15, 2022

MW Farmaajo oo doonayaa mar kale in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa horyaala caqabado hosreedikara in uu ku waayo Codka xildhibaanada, Inkastoo madaxweeyna Farmaajo iyo dadka olalaha la wada sabab uga dhiganayaan damacooda mar kale in uu shaqo wanaagsan soo qabtay Shantii Sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro Su’aalo badan oo ka dhex guuxaya maskaxda dadweynaha iyo eedo badan oo loo heysto MW Farmaajo, isla markaana aysan jirin cid jawaab ka bxisay ilaa iyo hadda.

Su’aasha is weydiinta mudani waxa ay tahay sidee Baarlamaanka Soomaaliya ku dooran karaan Md Farmaajo, iyada oo wali aan la helin Jawaabaha Su’aalo badan oo ay ka midyihiin, Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea, Dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax, Weeraradi lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxweynayaashii hore ee dalka Sh Shariif iyo Xasan Shiikh, Dilkii Ikraan Tahaliil Faraax iyo Xildhibaan Amino Maxamed .

Majirto cid wax ka weydiisay Baarlamaanka ama garsoor Su’aalahaan muhiim ka ah ee jawaabohooda la la’yahay inta lagu jiray muddo xileedka Farmaajo.

Dad badan ayaa qaba in ay tahay wax la yaab ah aamusnaanta Maxweyne Farmaajo oo aan marnaba ka hadlin dhacdooyin badan oo aad ay u daneynayeen shacabka Soomaaliyeed.
Dad xog ogaal ah ayaa shegaya in Aamusnaantiisa MW Farmaajo uu ku waayay dad badan oo la dhacsanaa siyaasadiisa oo ay ugu horeeyaan xildhibaanada.

Waxaa musharaxiinta la tartamaya lagu arkay xildhibaano shanti sano ee lasoo dhaafay harsanayay hooska nidaamka MW Farmaajo oo dunta ku xirtay musharaxiintaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post