261 Views

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 100 dhallinyaro ah oo doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 100 dhallinyaro ah oo doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Ciidamada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100-dhalinyaro ah oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan si ay ugu biiraan Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa shalay bartooda Facebook-ga ku soo qoray in dhalinyaradan loogu sheekeeyay in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab, waxaana ay intaa ku dareen in kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysa in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

Bishii Ogosto, ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 800 oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ka soo tallaabay xadka dalka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus oo socday 10 maalmood.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post