408 Views

Xaliimo Yarey oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiyada Doorashada Dalalka Carabta

Xaliimo Yarey oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiyada Doorashada Dalalka Carabta
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Soomaaliya, Xaliima Yarey ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Gudddiyada Doorashooyinka dalalka Carabta.

Shirweynaha shanaad ee Golaha Guud ee Guddiyada Doorashooyinka Carbeed oo la qabto shantii labadii sanaba mar ayaa ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, iyadoo Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha GMDQ.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb gala guddoomiyaasha iyo xubnaha Guddiyada Doorashada ee wadamada carabta. Inta uu socday shirkan, waxaa dib u eegis lagu sameeyay dadaallada lagu yagleelayo ururka dhalinyarada Carabta ee doorashooyinka iyo hawlaha hor-tebinta u leh mustaqbalka dhow. Iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee ururka haweenka carabta ay ka gaareen doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu ansixiyay warbixin sannadeedka ururka iyo guddiga qabanqaabada doorashada ururka dhalinyarada Carabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post