1419 Views

Sawiro:-Madaxweynaha Dalka Oo Lakulmay Dhigiisa Burundi

Sawiro:-Madaxweynaha Dalka Oo Lakulmay Dhigiisa Burundi
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 19, 2019–Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Burundi ayaa xalay waxaa uu kulan casho ah la yeeshay dhigiisa wadankaas Peirre Nkurunziza, kulanka oo ka dhacay xarunta dalka ee Bujambura ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo labada dalka ka socota.

U jeedada booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Burundi ayaa la aaminsan yahay in ay la xiriirto sidii dalkaas looga dhaadhicin lahaa in ay ka qeybgalaan howlgalka dowladda doonayso in Alshabaab kaga saarto dalka.

Dalka Burundi ayaa ah wadanka labaad ee ugu ciidanka badan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, kuwaas oo in ka badan 10 sano jooga Soomaaliya.

Dhammaadka bishan waxaa la filayaa in 1000 askari oo Burundi ah ka baxaan Soomaaliya, arrintaas oo qeyb ka ah qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment