303 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday koox lagu eedeeyay inay dilal geesteen

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday koox lagu eedeeyay inay dilal geesteen
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 17, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday Koox lagu eedeeyay in ay ka wada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale.

“Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida.

Sidoo kale warka ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Kooxdan ayaa ka koobneed Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, kuwaas oo lahaa Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Kooxdaan ayaa Ciidamada Amniga waxa ay ka soo qabteen Magaalada Muqdisho gaar ahaan; Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye.

Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii December Bishan aynu ku jirno.

Xukunka Maxkamadda oo ka soo baxay ayaa u dhacay sida tan:-

  1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.
  2. Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.
  3. Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka
  4. Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.
  5. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.
  6. Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadood

Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post