933 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo muqdisho kula kulmay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

Madaxweynaha  Hirshabeelle oo muqdisho kula kulmay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim, Haweenka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka iyo haweenka bulshada rayidka ah.

Kulanka ayaa looga hadlay ilaalinta qoondada Haweenka 30% oo ay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii loo tixgalin lahaa cabashadooda.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa Madaxweyne Guudlaawe uga warbixisay barnaamijka Wasaaradda hormuudka ka tahay ee loogu ololeynayo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa soo dhoweeyay, ololaha Wasaaradda ku doonayso in lagu ilaaliyo qoonddada haweenka Soomaaliyeed, isla markaana dumarka laga siiyo door muuqda doorashada soo aadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post