1056 Views

Puntland oo qaadacday Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Puntland oo qaadacday Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 18, 2020–Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inaysan ka qeyb-galeyn shirkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa inay kulan isugu yimaadaan dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa sheegay in Puntland ay taageersan tahay qoraalkii Aqalka Sare ee ahaa in Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada dalka ay shir isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa uu sheegay in Puntland marnaba aysan ka qeyb-galeyn Shirka uu Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo,hayeeshee Puntland ay ka tashaneyso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post