279 Views

Shirkadda sameysa iPhone-ka ee Foxconn oo sheegay in daqlgeedu sanadkan gaaray labo bilyan oo Doolar

Shirkadda sameysa iPhone-ka ee Foxconn oo sheegay in daqlgeedu sanadkan gaaray labo bilyan oo Doolar
____________________________________________________________________________

Isniin : February 6 2023 

Shirkadda weyn ee laga leeyahay Taiwan ee Foxconn ee soo saarta telefoonada iPhone-ka ayaa sheegtay in daqligeeda bisha january uu kor u kacay 48% marka loo eego sanadkii hore.

Arrintan ayaa u muuqata in ay dib u soo laabatay shirkaddu sidii caadiga aheyd ka dib sanado ay dhibaato ka soo wajahday Covid19.

Shirkadda ayaa sheegtay in daqligeeda bishii hore uu gaaray in ka badan labo bilyan oo Doolariyadoo ay kordheen alaabooyinka ay dhoofimeyso marka loo eego xarumaheeda ay ku leedahay dhulweynaha Shiinaha .

Bishii November Foxconn ayaa ka cudurdaaratay mushaarooyinkii oo dib u dhacayka dib markii ay dhaceen bannaanbaxyo iyo shaqo ka bixid markii la soo saaray xannibaado adag oo la xiriira cudurka Covid.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post