1404 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Amray Wasaarada Amniga In Ay Dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga Soo Gelaya Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Amray Wasaarada Amniga In Ay Dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga Soo Gelaya Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 02, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.

Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay  ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment