1632 Views

Magaca Hooyadii ay Ciidamada Kenya ku Dileen duqayntii xalay Ceelcadde iyo dhaawacyadii

Magaca Hooyadii ay Ciidamada Kenya ku Dileen duqayntii xalay Ceelcadde  iyo dhaawacyadii
____________________________________________________________________________

June 3 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saacadihii la soo dhaafay Weerar Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Cirka ee Kenya ka Gaysteen degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa waxaa ka dhashay dhaawac iyo dhimasgo  soo gaaratay  dadka Deegaanka.

Sidoo kale dadka dagaanka Ceelcadde aya saxaafada u sheegay in halkaas ay ku dhimatay Hooyo waxaana  ku dhaawacmay  5 caruur ah oo ay dhashay, sida uu sheegay aabaha qoyska Cali Axmed Sheekh Cabdi.

Magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeynta

Ad

Hooyo Sahro Aadan Shariif ayaa ku geeriyootay duqeynta, waxaana ku dhaawacmay caruura kala ah :
1- C/raxmaan Cali Axmed Sheekh oo 8 Bilood jira
2- Salmo Cali Axmed Sheekh oo 2 sano jir ah
3- Cabdullaahi Cali Axmed Sheekh oo 9 sano jir ah
4- C/Fataax Cali Axmed Sheekh oo 11 sano jira
5- Khadro Cali Axmed Sheekh oo 12 sano jir ah

Dhinaca kale wasaarada gaashaandhiga Dowlada waqtigeeda dhamaaday ayaan wali ka hadlin Xasuuqa ay Ciidamada Kenya Xalay ka gaysteen halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post