1287 Views

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo ku wajahan Kismaayo

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo  ku wajahan Kismaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: July 24 2021

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland, iyagoo ka ambabaxaya Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Guddigaas Maxamed Xasan Cirro, waxaana socdaalka ku wehlin doona xubno ka tirsan Guddiga oo saacadaha soo socda tegi doona Kismaayo.

Ujeedka Guddiga doorashooyinka FEIT ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha la socda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland, iyagoona ka wada hadli doona qabsoomida doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25-ka bishan oo maalinta berri ku beegsan, isla markaana ay u diyaar u yihiin qabashada doorashada

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post