1326 Views

Xildhibaanka deegaanka Kamakunji oo booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa oo shalay la afduubtay

Xildhibaanka deegaanka Kamakunji oo booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa oo shalay la afduubtay
____________________________________________________________________________

Isniin June 21

Xildhibaanka deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan, ayaa maanta ku booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa Maxamed Luqman.

Yusuf Xasan, isbitaalka wuxuu kula kulmey qoyska Hafsa, oo uu kamid yahay aabaheed iyo walaalaheed.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafey wadey dhaq dhaqaaqyo uu uggu gurmanayo dadkii laga afduubtey deegaanka uu xildhibaanka ka yahay ee Kamakunji.

Toddobaadkii hore ayaa Hafsa laga afduubay goob ganacsi oo ay kusugneyd, iyadoo muddo dhan shan maalmood lagu xabisay guri ku yaalla xaafadda Kayole ee Nairobi.

Ciidamada danbi baarista ayaa soo furtey gabadhan, iyagoo digniin udirey qolyaha dhibaatooyinkan oo kale geysanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post