1455 Views

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay Suuqa  Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Sabti: October 23, 202

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Is-rasaaseynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo rag hubeysan oo ku sugnaa gudaha suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad, isla-markaana ay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano halkaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka oo sidoo kale ku magac dheeraa Sandheere uu markii hore dhaawac soo gaaray, balse uu goor dambe geeriyooday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Inta badan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo xoogan oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Bay  Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post