789 Views

Uganda oo Soomaaliya ka saartay 2,100 askari.

Uganda oo Soomaaliya ka saartay 2,100 askari.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2020 –Dalka Uganda waxaa tagay Kooxda 27-aad qaybta 6-aad ee ciidamada difaaca dalkaas ee ku howlgala Magaca Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dhameysteen sanad ay joogeen Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in tirada Askartaan ay gaareyso 2100-Askari kuwaas oo Khamiistii tagay Xarun la dejiyo Ciidamada soo guta waajibaadka nabad ilaalinta sida Dowladdu ay hadalka u dhigtay.

unaasabad lagu dhiira-gelinayo Askartaan & saraakiisha hoggaamineysa waxaa ka qaybgalay Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda ee loosoo gaabiyo UPDF-da waxaana la dejiyay Degmada Nakaseke.

“Aniga oo ku hadlaya Magaceyga & kan Taliyaha waxa aan idinku bogaadinayaa doorka wanaagsan aad ka qaadateen howsha nabad ilaalinta Soomaaliya oo aad soo gudateen, waan idinku faanaa marwaiba” Sidaasi waxaa yiri Gen Wilson Mbasu Mbadi Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda.

Saraakiisha Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale amaan kala dul dhacay ilaalada Qaramada Midoobay ee xiran Koofida Buluugga ah kuwaas oo ay dirtay Xukuumadda Kampala si ay u sugaan ammaanka Xafiiska Howlgalka QM ee Soomaaliya & madaxda ku shaqeysa.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Uganda Gen Mbadi ayaa sheegay in Askarta Uganda la karaantiilayo muddo labo todobaad ah si loo xaqiijiyo haddii uu ku dhacay xannuunka Covid-19 & in ay ka badqabaan.

Mid kamid ah saraakiisha Uganda dib ugu laabatay oo lagu magacaabo Korneyl Sam Kuesa ayaa sheegay in qaybta 27-aad ee Ciidamada Difaaca Uganda ay ku guuleysteen howlgalo ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose gaar ahaan Sabiid Caanoole, Bariire, Ceel Saliini, Awdheegle & Janaale.

Waxa uu bogaadiyay Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee kala shaqeeyay fulinta howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee looga saaray deegaannada kor ku xusan ee katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose DG koofur Galbeed.

Isha:  New Vision 


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post