696 Views

Taliyaha Ciidanka lugta oo Maamulka Gobolka Gedo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 05, 2021
–Taliyaha Ciidanka dhulka ee Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed,Jaeraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa halkaasi kula kulmay, guddomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Cusmaan Xaaji Macalimow & Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka Degmada Doolow.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee degaannada Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya diyaarado ku geeysay Ciidamo farabadan.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cusmaan Xaaji Macalimow, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo maamulka degmada Doolow ayaa uga mahad celiyay Taliyaha safarkiisa Gobolka Gedo, iyaga oo sheegay in Gobolka Gedo uu yahay amnigiisa mid wanaagsan.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Somaliya, janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka Mahad celiyey, soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu faray saraakiisha Ciidamada ee kulanka qeyb galay inay bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si culeyska looga qaado degmoyinka Gobolka Gedo.

Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in uu booqn doono degmooyinka kale ee Gobolka Gedo si uu uga kuurgalo xaaladda Ciidamada iyo in la dardar geliyo la dagaalanka Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post