888 Views

Puntland oo Wafdi u dirtey deegaan ay xiisad ka jirto

Puntland oo Wafdi u dirtey deegaan ay xiisad ka jirto
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa Galabta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayna qeyb ka yihiin,xildhibaano,Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarshada iyo taliyaha Ciidamada daraawishta Puntland,iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay.

 

Masuuliyiinta waxaa Degmada dhahar ku soo dhoweeyay Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Wasiirku-xigeenka Ganacsiga, Gudoomiyaha Gobolka, Duqa degmada,Taliyaha qaybta, iyo Odayaasha dhaqan ka Degmada dhahar

 

Masuuliyiinta ayaa u jeedada safarkooda ee Degmada dhahar waxaa lagu sheegay inay halkaasi ka bilaabi doonaan Diiwaan galinta Ciidamada Puntland ee ku sugan Degmada dhahar.

 

Wafdigan ayaa horay hawlo shaqo oo ku aadan Ciidamada ku soo maray magaalooyinka Badhan iyo Ceel-buh ee Gobolka Sanaag,iyaga oo diiwaan geliyey Ciidamadii ugu badnaa.

 

Deegaannada ay Puntland ka wado diiwaan gelinta ayaa waxaa meelaha qaar kajira xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaalilane.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment