396 Views

Markab sida qamadiga Ukraine ayaa gaarey dekadda Jabuuti

Markab sida qamadiga Ukraine ayaa gaarey dekadda Jabuuti
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Markab sida 23,000 oo tan oo badarka Ukrain ah ayaa gaaray dalka Jabuuti ee Geeska Afrika oo ay abaaro ba’ani ku dhufteen.

Markabkan oo lagu magacaabo Brave Commander oo ku gooshayey calanka dalka Lubnaan ayaa ka soo abxay maalintii Salaasada ee 16 Ogoosto dalka Ukrain isagoo ku wajahnaa dekedda Jabuuti halkaas oo uu gaarey maanta 20 Ogoosto.

Ilaa 22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa la sheegayaa in ay halis ugu jiran in ay macaluul haleesho ayaa heli doona hadda gargaar, sida laga soo xigtey WFP.

Qamadigan kuma filna inay la tacaalaan dhibaatada hadda jirta ee ka dhalatay abaarta, balse waa bilow, sida laga soo xigtey hay’adaha gargaarka.

Kama welwelsanin in ay dhibaatado sii jireyso, sidaas darteed waa in aan helno agabka loo baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha loogana hortago gaajada iyo macluusha, ayuu yiri David Beasley, oo ah agaasimaha barnaamijka cunnada ee Qaramada Midoobay ee WFP, oo la hadlay wakaaladda

Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Waddamadan ayaa aad ugu tiirsan qamadiga iyo haruurka ka soo baxa dalka Ukrain, waxaana dhibaatada ka haysata dhoofintaasi ay keentay in dalalkan iyo dalal kale oo Afrikaan ah ay soo food saartay macaluul aad u daran.

Xigasho: AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post