1584 Views

Dowladda Talyaaniga oo wadahadal kula jirta kooxdii afduubatay Silvia

Dowladda Talyaaniga oo wadahadal kula jirta kooxdii afduubatay Silvia
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018–Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto koox hubeysan oo 20kii Bishan Haweeney u dhalatay dalkaas ka afduubatay Dalka Kenya.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in uu socdo wadahadal u dhaxeeya koox gaareysa shan Nin oo aad u hubeysan kuwaas oo afdubtay Silvia Romano.

Kooxda ayaa afduubkan ka geystay degaanka Chakama ee ka tirsan Gobolka Kilifi,waxaa ay dhaawaceen 5 Qof oo uu ka  mid yahay wiil yar oo 10 jir ah.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan raadka Ragga wax afduubtay oo ay isku dayayaan in ay Gabadha ka soo furtaan,laakiin dowladda Talyaaniga ayaa iyana sheegtay in ay dooneyso Salvia oo aan waxba gaarin in ay xorriyaddeeda dib u hesho.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Gabadha Talyaaniga ee Waxbarashada ka wadday degaankaas ay afduubteen xubno ka tirsan Al-shabab.

Waxaa ay Ciidamada kala duwan ee Kenya ku daabushay Keynta Booni,halkaas oo ay Dowladda Kenya tuhmeyso in ay Al-shabaab ku hayaan Haweeneyda lagu magacaabo Salvia Romono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment