1383 Views

C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Somaaliya nasiib darro heysato

C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Somaaliya nasiib darro heysato
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inay nasiib darro tahay dagaalka ka socda Beled-Xaawo,kaas oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in uu dagaalkaas cambaareeynayo,isaga oo sheegay inay nasiib darro tahay in Ciidamada loogu talo galay la-dagaalanka Al-Shabaab loo weeciyo dhinaca dowlad Goboleedyada.

 

 

 

Waxaan cambaareyneynaa rabshadaha hormuudka ka tahay XFS. Waxaa ayaan-darro ah in ciidanka qaran, oo sanado loo habeeyay si loola dagaallamo argaggixisada, dalka loo sugo loona soo celiyo xasilloonida, ayaa hadda loo isticmaalay in lagu carqaladeeyo dagaalada sokeeye iyo abuuritaanka deganaansho la’aan, baabi’inta dagaalka argaggixisada ayuu yiri”Siyaasiga.

 

Dad u badan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda ayaa kasoo horjeestay Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya horay u geysay deegaano kamid ah gobolka Gedo iyo Gobolka Gadlgaduud,iyaga oo sheegay laga gaabiyey dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment