4305 Views

Ciidan Ethiopian ah oo gaarey Magaalada Baardheere

Ciidan Ethiopian ah oo gaarey Magaalada Baardheere
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 05 January 2016: Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland Maxamed Xusen Al- Qaadi ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay ay gaarayeen Baardheere ciidan cusub oo ka socda dalka Etoobiya.

Col Tesfaye Isgon Sarkaal lagu magacaabo ayaa hogaaminaya Ciidanka Ethiopia ee tagey Kismaayo & Baardheere, kuwaasi oo Maamulka Jubbaland uu sheegay inay ka gacan siin doonaan Dagaalka Al shabaab ee Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Ethiopia ay bedeleen kuwii Sierra Leone, ee dalka isaga baxay 2014-kii.

Boqolaal Askari oo Ethiopian ah ayaa Labo Maalmood kahor gaarey Kismaayo, kuwaasi oo hordhac u ah Ciidan aad u badan oo tagi doono Gobolada Jubbooyinka & Gedo.

Maamulka Axmad Madoobe ayaa aad usoo dhaweeyay Ciidanka Ethiopia uu tagey Deegaanada uu ka taliyo, maadaama aya labaduba wataan dan gaar ah ee ka duwan tan dowlada Federalka ee Soomaaliya.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment