1011 Views

Shirkadda DP World oo ka guuleysatay Jabuuti

Shirkadda DP World oo ka guuleysatay Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 14, 2020—Shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Jabuuti uga guuleysatay wareeg labaad oo sharci ah kaas oo ku saabsan dacwadii dekadda Doraleh.

 

Dowladda Jabuuti ayaa Shirkadda DP World waxaa ay si qasab ah uga erisey Dekadda Doraleh 22-kii Bishii Febaraayo sanadkii 2018 taas oo keentay in Shirkadu dacwad ka gudbiso Dowladda Jabuuti.

 

 

 

Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee ku taalla Magaalada London ee wadanka Britain ayaa dowladda Jabuuti waxaa ay ku amartay inay DP World u soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka ay ku leedahay.

 

Maxkamadda ayaa shaacisey in, iyada oo laraacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh laga doonayo dowladda Jabuuti in magdhow ay ku bixiso muddo ku siman laba bilood gudahood.

 

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha gaarey shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta in ka badan $ 1 bilyan oo Dollar,waxaana Shirkadda ay haatan sugeysaa inay Dowladda Jabuuti ka jawaabto amarkaas.

 

Shirkadda DP World ayaa maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan sanadkii 2006-dii,hayeeshee khilaaf soo kala dhex-galay dowladda Jabuuti Shaqada dekadda looga joojiyey.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment