930 Views

Sacuudiga oo xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga dhoofiyo Somalia

Sacuudiga oo xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga dhoofiyo Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Qoraal kooban oo kasoo baxey dowladda Sacuudiga ayaa lagu shaaciyey inay xayiraadii ka qaadeen Xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ee loo iibgeyn jiray dalkaasi Sacuudiga.

 

Qoraalka oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Deegaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu yiri”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi,30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa Sacuudiga uu xayiraad saarey Sacuudiga kana qaadey,waxaana tallaabadaan uu haatan qaadey soo dhaweeyey Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha Nool u dhoofin jiray Sacuudiga.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment