693 Views

Britain, Mareykanka iyo Australia oo u heshiiyay ka hortagga ciidanka Shiinaha

Britain, Mareykanka iyo Australia oo u heshiiyay ka hortagga ciidanka Shiinaha
____________________________________________________________________________

.


khamiis: September 16, 2021

UK, Mareykanka iyo Australia ayaa ku dhawaaqay heshiis dhanka ammaanka iyo ciidamada ah oo ay ku wadaagayaan teknolojiyadda gaashaandhigga, si looga hortago Shiinaha.

Dalalka UK iyo Mareykanka ayaa Australia ka caawin doona inay dhisto marakab cusub oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka – balse aan ahayn maraakiibta gunjiska ee ku hubaysan hub halista ah ee nukliyeerka.

Arrintan waxay la macno tahay in Australia aysan sii wadi doonin heshiis hore oo ay la gashay dalka Faransiiska.

Dalalkan ayaa sidoo kale iska kaashan doona inay wadaagaan macluumaadka dhanka sirdoonka iyo waliba ka hortagga weerarada dhanka internet-ka.

Bayaankan wadajirka ah ayaa lagu sheegay in Indo-Pacific uu yahay gobol uu ka dhalan karo is-afgaran-waa, maadaama ay jiraan muranno aan wali la xallinin.

Wali ma cadda sida shaqada loo wadaagi doono – laakiin Dowladda UK waxay rajaynaysaa in ay warshadaha difaaca Britain arrintani ay ku lug yeelan doonaan.

Rai’sul wasaaraha Ingriiska Boris Johnson ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid furaya bog cusub oo saaxiibtinimo.

Rai’sul wasaaraha Australia, Scott Morrison, ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskan uu yahay mid sii xoojinaya iskaashiga dhanka gaashaandhiga iyo danaha ay wadaagaan dalalkan ee ku aadan badda pacific-ga.

Mustaqbalka waxaa sidoo kale jiri kara iskaashi dheeraad ah oo ku saabsan tiknolojiyadda dhanka gaashaandhigga oo ay dalalkan yeeshaan.

Heshiikan ayaa loo arkaa in uu yahay mid ay dalalkan uga hortagayaan dowladda Shiinaha.

Ma ah wax qarsoodi ah in Britian, Mareykanka iyo Australia ay wadaagaan waalac ku aadan galaagalka militari ee Shiinaha ee biyaha badda pacific-ga.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, marka ah noca diyaadaha xambaara oo UK leedahay ayaa la geeyay gobolka Indo-Pacific iyadoo ay weheliyaan shaqaale iyo qalab ka yimid Mareykanka.

Dowladda shiinaha ayaa markiiba cambaareysay heshiiskani ay wada gaareen dalalka Britian, Mareykanka iyo Australia.

War ka soo baxay safaaradda ay Shiinaha ku leyihiin washinton ayaa lagu tilmamay heshiiskan in uu yahay mid wata hab fikirki lagu dhaqmi jiray xilligii dagaalkii qaboobaa.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post