1542 Views

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya
____________________________________________________________________________

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in, iyada oo la ilaalinayo danaha deris wanaaga ay ku dhawaaqeyso inay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dowladda Kenya oo horay Soomaaliya xiriirka u jartay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo e labada dal, iyada oo lagu saleeynayo mabaadiida, ixtiraamka  madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“ Dowladda Soomaliya waxaa ay tallaabadaan u qaaday, iyada oo la eegayo farageli la’aanta Arrimaha Gudaha ee labada dhinac , sinaanta, wax wada qabsiga, & nabad ku wada noolanshaha ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in labada Madaxweyne ee Soomaaliya & Kenya ay uga mahad celinayaan Amiirka dalka Qatar dadaalka uu ka geystay arrintaan.

15-kii Bishii December ee sanadkii 2020 ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ayku dhawaaqday in xiriirka diblumaasiyaded u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelinta isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post