264 Views

Puntland oo ku dhawaaqday inay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan

Puntland oo ku dhawaaqday inay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Puntland oo War-saxaafadeed ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Dowaldda Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka Madax banaan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya ilaa laga dhamaystirayo qodobo heshiisyo ah.

Warsaxaafadeedka oo ka kooban Saddex Bog ayaa sidoo kale Puntland ku shaacisay in Dastuurka uu siinayo in sida dowlad Madax bannaan oo kale ay u dhaqanto.

“Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. 

Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan dambe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post