1341 Views

RW Kheyre Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Cabashada Ciidamada

RW Kheyre Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Cabashada Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 19, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo xalay Khudbad ka jeediyay xaflad ay soo agaasimeen Maamulka Gobolka Benaadir oo lagu dardar gelinayay wada-shaqaynta Shacabka iyo Laamaha Amniga ayaa sheegay in wali qeybo kamid ah dalka ka socoto diiwaan galinta Ciidanka Xoogga dalka kuwa sidda rasmiga ah loo diiwaan galiyey ay heleen xaquuqdooda oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kuwa aanan wali marin tirakoobka Ciidanka lasiin doono xuquuqdooda marka diiwaan galintu soo dhamaanto,waxana mudooyinkii dambe soo batay Cabashada ka soo yeereysa Ciidamada Dowlada oo ku aadan Mushaar la’aan .

Ciidamo ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa maalin kahor Mushaar la’aan uga soo baxay Difaacyadii ay ugu jireen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyadoo halkaas ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

“Maalmahan waxaa lalahaa Ciidamo ayaan mushaar lasiin kuwaas oo kuwa aan diiwaan galsaneyn, markii ay soo dhameystaan diiwaangalinta Mushaarkooda aniga haleyga soo doono” sidaas waxaa yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Halkaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadeya xili Ciidamada dowladda ay ka cabanayeen Mushaar la’aan heystay bilooyinkii ugu dambeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment