1659 Views

Maraakiib Imaaraadka leeyahay oo la weeraray

Maraakiib Imaaraadka leeyahay oo la weeraray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 13, 2019–Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in la weeraray Afar Markab oo ay leedahay xilli ay marayeen meel u dhow biyo xadeedka dhinaca Gacanka Cumaan.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan inaysan jirin weerarkaas cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay,sida ay Warbaahinta dalkaasi u sheegeen ilo xog-ogaal ah.

 

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan aagaas oo marin u ah shidaalka, maalmihii u dambeeyayna Maraykanka ayaa aagaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkasi uu ahaa ficil xun oo majaxaabin ah,waxaana ay ugu baaqday Beesha Caalamka in laga hortago weerarada noocaasi oo kale ah inay dhacaan.

 

Weerarkaan lagu qaaday Afar Markab uu leeyahay Imaaraadka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa dalalka Iiraan oo deris la ah imaaraadka iyo doowladda Mareykanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment