345 Views

Munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 14, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda Muqdisho.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa  tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale, ka qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirro, Duqa magaalada Muqdisho, Agaasimiyaal, Odayaasha Dhaqanka, Haween, dhallinyarro iyo qeybaha kale ee bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post