1014 Views

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo dhageysatay dacwada nin lagu eedeeyay in uu dilay dad shacab ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo dhageysatay dacwada nin lagu eedeeyay in uu dilay dad shacab ah
____________________________________________________________________________

Talaado: December 7, 2021

Dable Nisa Maxamed Cali Xuseen waxa uu geystay dhacdo argagax gelisa bulshada degmada BeledXaawo ee Gobalka Gedo, Kadib marki uu Xabado ku furay dhallinyaro daawaneysay tartanka kubada cagta ee Garoonka Boore taaso keentay dhimashada Allaha unaxariste Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharma’arke Cabdullahi.

Dhageysiga Dacwada waxaa dahfuray Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan baaraha kiiska ayaa sharaxaad kabixiyay Gungaar kiisa.

Xeer ilaaliye Axmed Cabdulaahi Buulle oo cadeemo iyo marqaati   horkenay  garsoorka hortiisa ayaa kudoday in  uu dilka uu yahay mid kas ha waxa uuna garsoorka ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u qalanta ee deysanaha.

Abuukaate  Maxamed Xuseen Cumar Saney oo difaacayay eedeysanaha ayaa codsaday in eedeysanaha lagu xukumo Diyo  in laga bixiyo.

Dhinaca kale maxkamada ayaa dhageysatay labo eedeysane oo kale kuwaas oo danbiyo kala duwan loo haysto.

Gaba gabadi waxa So xeray Gashaanle Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan oo ah Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post