741 Views

Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho

Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Obokor  Dubbe  ayaa ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid alle ha unaxariistee  Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo xalay ku geeriyooday Qarax kooxaha argagixisada Al-shabaab ku weerareen.

“ Waxaa wasaaradda warfaafinta la soo gudboonaatay geeri naxdin badan waxaa qarax ay soo maleegeen cadowga lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed, waxaa sidoo kale dhaawac ah ah agaasimaha TV-ga Qaranka, waa geeri naxdin iyo dhaawac naxdin leh,”a yuu yiri Wasiir Dubbe.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray, qoyska, asxaabta iyo dhammaan bahda saxaafadda uu ka baxay marxuum Cabdicasiiska Afrika oo dowr muhiim ka soo qaatay nabada iyo horumarka dalka.

Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis  wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post