1008 Views

SAWIRO:-Laftagareen oo kulan la qaatay laamaha Amniga Koonfur Galbeed

SAWIRO:-Laftagareen oo kulan la qaatay laamaha Amniga Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 07, |  2020Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey Shirka Todobaadlaha ee  Golaha Amniga Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed iyo saraakiil kale ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subagle ayaa sheegay in kulanka ay warbixino la xiriira Amniga kusoo gudbiyeen saraakiisha laamaha Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda intaba.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in shirka lagu soo hadal qaaday degaannada weli u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena la go’aamiyay in la qaado howlgal culus oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga degaannada maamulkaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post