525 Views

Tamirat Tola oo Ethiopian ah oo ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka

Tamirat Tola oo Ethiopian ah oo  ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Tamirat Tola oo Ethiopian ah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka ee ka socda Maraykanka.

Waxa uu khadka kaga gudbay laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay.

Itoobiya ayaa hadda haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka 10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post