732 Views

Xildhibaan Odawaa” Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa la waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana la weeraro”

Xildhibaan Odawaa” Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa la waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana la weeraro”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkii Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku rasaaseeyeen dad Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ka dhigayay banaanbax looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu Xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay wax laga xumaad tahay in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.

Hoos Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa .
Dastuurka Dowladda Federaalka ayaa damaanad qaadaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay cabashadooda iyo taageeradooda isku soo bax nabadeed ku cabiri karaan.

Waxaan cambaareynayaa in rasaas nuucyadeeda kala duwan loo adeegsado muwaadiiniin si nabad ah isugu soo baxey maanta magaalada Muqdisho.

Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.

Waxaan ku baaqayaa in si dag dag xoriyadooda loogu soo celiyo dadka sida sharci darada ahay lagu xiray oo uu ka mid yahay:mudane Cusmaan Cariif, Gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post