1032 Views

Ciidamada Masar iyo koox ‘Takfiir ah’ oo dagaal culus uu dhexmaray

Ciidamada Masar iyo koox ‘Takfiir ah’ oo dagaal culus uu dhexmaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 9, 2002 – Ciidamada Masar ayaa shaaca ka qaaday in khasaare uu soo gaaray dagaal ay ciidamadeeda la galeen koox hubeysan oo ka howlgasha waqooyiga dalkaas.

Bayaan ka soo baxay miltariga Masar ayaa lagu sheegay in 7 ka mid ah ciidamada uu dhawaac soo gaaray inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada kaga dhimatay dagaalka.

Qoraal ay soo dhigeen barta Facebook ay ku leeyihiin, waxay ku sheegeen in howlgalka ciidamada ay ka fuliyeen gobolka Siinaay ay ku dileen 15 ka mid ah ‘koox takfiir ah’ halka 25 ka mid ah ‘Takfiirta’ lagu dilay duqeymo laga geystay waqooy bari dalkaas.

Militariga Masar waxay sheegeen in dagaalka uu dhacay intii u dhexeysay 1-da bisha September ilaa 8 bisha Diseembar.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in arrintani ay u suuragashay kaddib iskaashi ay la sameeyeen ciidamada ilaalada xudka oo duqeymo ay fuliyeen ku burburiyeen 21 ka mid ah gawaarida dagaalka ee kooxda kuwaas oo doonayay in ay ka soo tallaabaan deegaanada dhanka xadka ee galbeedka Masar.

Militariga Masar ayaa loo daabulay gobolka Siinaay, waxaana halkaas la geeyay hub culus, markii ugu horreysay tan iyo markii Masar iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiskii Camp David, sannadkii 1978-dii.

Kooxo ka howlgeli jiray Gobolka Siinaay ayaa qaadey weeraro badan oo lagu hoobtay, oo lala eegtay ciidanka. Sidoo kale, waxey sheegteen inay soo rideen diyaaraddii Russian Airliner, bishii October 2015, taas oo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayey 224 qof.

Waxaa gobolkaas ka howlgeli jiray koox la oran jiray Ansaar Beyt al-Maqdis, oo soo ifbaxdey markii ugu horeysay 2011-kii, iyadoo markii danbe magacooda u badaley IS, waxey markaa ka dib ku biireen kooxda la baxday dowladda Islaamka, bishii November 2014-kii.

Kooxda guud ahaan waxey bartilmaameed sadaan xoogagga ammaanka ee waqooyiga Siinaay, laakiin sidoo kale waxey sheegteen mas’uuliyadiisa weerar ka dhacey qeybta dalxiiska ee Koonfurta Sinai bishii April ee sanadkii hore.

Madaxda Masaarida ayaa horay gobolka u saaray xanibaad, waxaana adag in la helo warar madax bannaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa sannadkii 2018-kii ku amray saraakiisha ciidanka inay ka adkaadaan kuwa isugu yeera Islaamiyiinta ee gobolka, illaa iyo inta laga gaarayo gabagabada howlgalka.

Madaxweynaha wuxuu amarkan bixiyey bishii November ee sannadkii 2017, ka dib markii uu ka dhacay weerar lagu qaaday masaajid oo loo isticmaalay bambo iyo qori, waxaana lagu diley ku dhawaad dad gaaraya 300 oo qof.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post